• Svenska
  • Soomaali
  • العربية
  • فارسی
  • Välj språk
    Loading...
    Guriga 2018-04-13T10:39:17+00:00

    KU SAABSAN FIPOH?

    Bogga www.fipoh.se waxaad ka daawan kartaa filin ku aaddan caafimaad darrada xagga maskaxda.

    Waxaad sidoo kale heli kartaan macluumaad ku aaddan halka aad daryeel caafimaad ka raadsan kartid.

    Fipoh waa mashruuc uu howshiisa wadyo ururka Glokala ee wacyi gelinta bulshada ee Malmö, ee iskaashiga la sameynaya laacibiinta xagga caafimaadka ee Region Skåne, sida TKT iyo xarunta aqoonta ee Socdaalka & Caafimaadka (Kunskapscentrum för Migration & Hälsa).

    Fipoh waxaa la aasaasay 2016 iyadoo taageero laga helayo Sanduuqa Guud ee Dhaxasha.

    FILMAAN

    FILMAAN

    Halkan waxaad ka daawan kartaa filmaan kala duduwan oo leh warbixin ku aaddan caafimaad darrada xagga maskaxda ah.

    Halkan waxaad ka daawan kartaa filmaan kala duduwan oo leh warbixin ku aaddan caafimaad darrada xagga maskaxda ah.
    Filmaantaas kala duduwan waxay ku saabsanyihiin qeybo kala duduwan, tusaale ahaan walbahaar, welwel, cadaadis, dhibaatooyin xagga hurdada ah ama PTSD.

    Haddii aad dooneysid in aad filmaanta luqado kale ku daawatid, luqadda ka beddel liiskan kore ee bogga intarneetka.
    Waxaad xitaa dhammaan filimmada ka heli kartaa boggeenna youtube-ka!

    Sidoo kale fiiri:
    Buug Ku Saabsan Shoog Culus

    Sidoo kale fiiri: Buug Ku Saabsan Shoog Culus
    Raadi caawimo

    Filim ku saabsan Trauma horumarsan (shoogga culus)

    Miyaad aragtay wax aad u dareentay inay yihiin wax xun oo cabsi leh?

    Maxay ka dhigantahay PTSD?

    SIDEE AAN KU RAADSADAA DARYEEL CAAFIMAAD?

    Haddii aadan caafimaad ahaan fiicneyn waa muhiim aad taas daryeel caafimaad u raadsatid. Waxaa jira siyaabo kala duduwan oo aad caawimaad ku heli kartid. Halkan waxaad ka heleysaa boosas fiicfiican oo leh macluumaad ku aaddan sida aad daryeel caafimaad u raadsan kartid:

    Wac 112 haddii ay jirto xaalad adag oo degdeg ah!

    112 waa nambarka xaaladaha adag ee degdegga ah ee Swiidhan. Halkaas ayaad habeen iyo maalinba u wici kartaa, si lacag la’aan ah, haddii aad ku jirtid xaalad adag oo degdeg ah. Taas wey khuseysaa xitaa haddii adiga ama qof kale uu si aad u xun u dareemayo wacnaan la’aan aad u daran taasoo xaaladda ka dhigeysa mid xun oo degdeg ah.

    Wac 1177.se

    1177 waa hagaha caafimaadka guud ee Swiidhan.

    Waxaad habeen iyo maalinba wici kartaa 1177 haddii aad su’aalo qabtid, una baahantihid talo ama caawimaad.

    Waxaad wici kartaa haddii aad adiga naftirkaagu xanuunsantihid ama cid kale.
    Markaas waxaad la hadli kartaa qof kuu sheegaya daryeelka caafimaadka ee aad u baahantihid waxa uu yahay.
    Waxaad sidoo kale ogaaneysaa meesha rugta caafimaad ama rugta qaabilaadda xaaladaha degdegga ah ay ku taallo.

    Haddii aadan ku hadlin ama aadan si fiican u fahmin swiidhishka waxaad weydiisan kartaa turjumaan.
    Waxaad sidoo kale geli kartaa www.1177.se si aad u heshid macluumaad dheeraad ah.

    Waa kanaa isku xire ku aaddan macluumaadka 1177 oo luqado kala duduwan ah.

    Ka akhriso youmo.se

    Youmo.se waa bogga intarneetka ee qaabilaadaha dhallinyarada ee loogu tala galay dadka waddanka ku cusub.

    Bogga intarneetka ayaad ka heli kartaa macluumaad urursan oo ku aaddan sida aad daryeel caafimaad u raadsan kartid.

    Waxaad sidoo kale ka heli kartaa macluumaad ku aaddan galmada, jeceylka, jirka, khamrada iyo wax kale oo badan oo dheeraad ah.

    Meesha ugu sarreysa ee bogga waxaad ka dooran kartaa haddii aad dooneysid in aad luqadda beddelatid.

    Wac khadka caawimaadda ee Badbaadi carruurta (Rädda barnens hjälplinje)

    Badbaadi carruurtu waxay leeyihiin khad caawimaad oo aad wici kartid haddii aadan fiicneyn.
    Kuwa halkaas ka shaqeeya waxay ku hadlaan luqado kala duduwan.

    Nambarku waa 0200–77 88 20, khadkuna wuxuu maalmaha oo dhan furanyahay saacadaha 15.00-18.00.
    Wicitaanku waa lacag la’aan waana leys qarin karaa

    Caafimaadka ardayda

    Haddii aad dugsi dhigatid waxaad mar walba la xiriiri kartaa Caafimaadka ardayda ee dugsiga.

    Halkan waxaad ka daawan kartaa filin ku aaddan caafimaadka ardayda.
    Filmaanta waxaa lagu daawan karaa luqado kala duduwan.

    PDF
    MACLUUMAAD KALE OO LUQADO FARA BADAN AH

    MACLUUMAAD KALE OO LUQADO FARA BADAN AH

    Halkan waxaad ka heleysaa isku xire ku aaddan dhawr meelood oo barta intarneetka ah oo leh macluumaad luqado kala duduwan ah.

    Youmo – Qaabilaadda dhallinyarada ee luqadaha faraha badan

    Abriil 2017 waxay Qaabilaadda dhallinyaradu suuqa soo gelisay boggeeda cusub ee aadka u fiican ee youmo.se
    Waxaad isaga ka akhrisan kartaa, kana daawan kartaa filin ku aaddan jirka, caafimaadka, jeceylka iyo galmada oo ah luqadaha caadi ahaan ay leeyihiin dhallinyarada ku cuscusub Swiidhan.

    Talooyinka wanwanaagsan ee FARR

    FARR waa urur sanooyin badan ka shaqeynayay arrimaha megengelyo doonka iyo xuquuqda dadka aan waraaqaha lahayn. Qoraalkooda Talooyin wanwanaagsan waxaad ka heli kartaa macluumaad aad u wanaagsan haddii aad tihid megengelyo doon ama warqado laaway. Qoraalku wuxuu ku qoranyahay luqado fara badan oo kala duduwan.
    Si lacag la’aan ah ayaad pdf ahaan uga soo degsan kartaa.

    Informationssverige.se

    Bog intarneet oo fiican oo luqado kala duduwan oo fara badan ah, oo leh macluumaad bulsho oo wanwanaagsan oo loogu tala galay adigaaga Swiidhan ku cusub.

    MUCF ku aaddan xuquuqda dadka HBTQ-ga ah

    Hey’adda dhallinyarada- iyo arrimaha bulshada (MUCF) waxay soo saartay nuqul ku aaddan xuquuqda dadka HBTQ-ga ah.
    MUCF waa hey’adda dowladeed oo soo saarta aqoon ku aaddan duruufaha nololeed ee dhallinyarada.

    Tyfons Buuga hagida awooda

    “Tyfon” (Dufaan waa waa koox loogu talagalay dhalinyarada ee waayo-aragnimo u leh socdaalka iyo qaxootinimada. Waxaan rabna si wadajir ah in aan hawla kala duwan ku saleeysan barashada siyaasadda) ayaa sameeyay “buuga hagida awooda” oo lagu talagalay in loo istacmaalo qalab abaabuleed. Waxaan rabnaa in aan bulshada la wadaagno aqoonta aan leenahayn si dad badan ay u dareemaan faraxadda iyo xiisaha uu leyahay abaabulka siyaasada.

    KOOXDA FIPOH

    Kooxda Fipoh waa koox leh dhallinyaro qaan qaar ah oo leh khibrado kala duduwan.

    Qaar annaga naga mid ah waxaannu leennahay khibrado xagga caafimaad darrada maskaxda ah.

    Qaar annaga naga mid ah waxaannu leennahay khibrado ah in aannu naftirkeennu nimiday Swiidhan.

    Qaar annaga naga mid ah waxaannu ku kornay Swiidhan.

    Waxaannu si wadajir ah uga shaqeyneynaa qeybo go’an oo ka mid ah Fipoh.

    Tusaale ahaan waxaannu caafimaad darrada xagga maskaxda ka duubnay cutub bodkaasti ah.

    Halkan ka dhegeyso cutubka:

    NALA SOO XIRIIR

    Aad baannu u soo dhaweyneynaa in aad Fipoh wax noogu soo qortid! Aadbaannu u qiimeyneynaa in aannu maqalno aragtiyahaaga ku aaddan bogga iyo filmaanta.

    Annaga ka shaqeyna Fipoh ma nihin dabcan inte shaqaale caafimaad oo waxbarasho leh. Sidaas darteed kama jawaabi karno su’aalo ku saabsan caafimaadkaaga. Haddii aad su’aalo nuucaas ah qabtid waxaannu sidaas darteed kugula talineynaa in aad raacdid isku xirayaashan: www.1177.se

    Fatuma@glokala.se

    Linus@glokala.se